Roberto Mancini oo ku dhawaaqay Xiddigaha Italy u Cayaari doona Kulmada Saaxiibtinimo (Toloow maku Jiraa Balloteli)

( Italy ) 19 Maajo 2018. Macalinka cusub ee qaranka Italy Roberto Mancini ayaa magcaabay cayaartoyda xulka u malati doonta kulamada saaxibtinimo ay la dheeli doonaan qaramada UAE, France iyo Netherlands, iyadoo uu safka kamid noqday Mario Balotelli.

Macalinka cusub ayaa loo magacaabay asbuucan inuu leyliyo xulka tan iyo markii la eryay  Giampiero Ventura bishii November kadib markii kooxda Itlay ay ka hartay tartanka koobka adduunka.

Wuxuu kulankiisa u horeyay ee xulka hogaamin doonaan cayaara ka dhici doonta San Gallo, oo Switzerland, 28 biashan May  markaa oo ay la cayaarayan United Arab Emirates.

Intaa kadib Italy ayaa wajihi doonta France kulan ka dhici doona Nice 1 June halka ay marti galin doonaan Netherlands cayaar ka dhici doonta Turin gaar ahaan garoonka  Juventus Stadium 4 June.

Mancini ayaa magacaabay 30 cayaari yahan waxayna ku kulmi doonaan Coverciano fiidnimo arbacaa taariikhduna tahay 23 bishaan May.

Waxaa kamida laacibiinta loo yeeray qaranka daafaca bidix ee kooxda Chelsea Emerson Palmieri,  qadka dhexe Torino Daniele Baselli, Crotone laacibkeeda Rolando Mandragora, weeraryahanka Sassuolo Domenico Berardi iyo Atalanta daafaceeda Mattia Caldara.

Dhanka kale, weeraryahakan kooxda  Nice Balotelli ayaa kusoo laabtay xulka Italy markii u horeysay tan iyo koobkii adduunka 2014.

Habada waa kuwan safka uu u magaacbay kulamada saaxiibtinimo qaranka Italy Macalin Roberto Mancini

Goolhaye: Gianluigi Donnarumma (Milan), Mattia Perin (Genoa), Salvatore Sirigu (Torino);

 Daafaca: Leonardo Bonucci (Milan), Mattia Caldara (Atalanta), Domenico Criscito (Zenit), Danilo D’Ambrosio (Inter), Mattia De Sciglio (Juventus), Emerson Palmieri Dos Santos (Chelsea), Alessio Romagnoli (Milan), Daniele Rugani (Juventus), Davide Zappacosta (Chelsea);

 Qadka dhexe: Daniele Baselli (Torino), Giacomo Bonaventura (Milan), Bryan Cristante (Atalanta), Alessandro Florenzi (Roma), Jorginho (Napoli), Rolando Mandragora (Crotone), Claudio Marchisio (Juventus), Lorenzo Pellegrini (Roma);

 Weerarka: Mario Balotelli (Nizza), Andrea Belotti (Torino), Domenico Berardi (Sassuolo), Federico Bernardeschi (Juventus), Federico Chiesa (Fiorentina), Ciro Immobile (Lazio), Lorenzo Insigne (Napoli), Matteo Politano (Sassuolo), Simone Verdi (Bologna), Simone Zaza (Valencia)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close