Pep Guardiola oo fariin macsalaamees ah u diray Andres Iniesta

(Man City) 19 Maajo 2018. Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa farriin macsalaameys ah u diray Andres Iniesta, kaasoo ka tagaya kooxda reer Catalonia dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Guardiola  aayaa u sheegay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain: “Waxay ahayd sharaf iyo farxad, mahadsanid sida aad ii caawisay, waxaad tahay mid dhinac kasta ka dhameystiran”,

“Diyaar noqo sababtoo ah kooxda ayaa kuu baahan xili dhow ama xili fog, jiilkaaga ayaa wuxuu Brcelona ka dhigay mid aad u fiican, waa inaad dib u soo laabataa”.

Barcelona ayaa xalay u sameesay xaflad sagootin ah kabtanka kooxdeeda Andres Iniesta, waxaana xaflada kasoo qeyb gashay dhowr xidigo iyo macalimiin soo martay kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close