Inter Milan oo dooneysa inay iska fasaxdo Antonio Candreva

(Inter Milan) 19 Maajo 2018.Inter Milan ayaa qorsheeneysa inay iska dirto xidigeeda khadka dhexe ee reer Talyaani Antonio Candreva, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee  dhawaan furmi doono.

Wargeyska “Tuttosport” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Inter Milan Walter Sabatini uu doonayo dhageysiga dalabyada kaga imaanaya kooxaha doonaya Antonio Candreva oo ay qeyb ka tahay Chelsea.

Tuttosport ayaa sheegay in Walter Sabatini iyo macalinka kooxd Luciano Spalletti ay ka wada hadli doonaan isbadalada lagu sameyn doono kooxda xili ciyaareedka soo aadan, waxayna Inter ay dooneysaa in ay iska fasaxdo dhowr ciyaartoy uu qeyb ka yahay Antonio Candreva.

Inter Milan ayaa diyaar u ah in xidigan ay ku fasaxdo hadiiba ay ku heleyso 11 ilaa iyo 15 million euros, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close