Hazard oo hadlay kaddib markii ay ku guuleysteen FA Cup…….(Miyuu ka tagayaa Chelsea??)

(London) 19 Maajo 2018. Chelsea ayaa si dirqi ah FA Cup uga qaaday kooxda Manchester United xilli uu wacdaro dhigay Eden Hazard.

Laacibka reer Belgium oo aad uga dhex muuqday Blues ayaa dhaliyay goolka qura ay ku mareen Red Devils kaa oo ahaa rigoore.

Hazard ayaa aad lala xiriirinayaa inuu ka huleeli doono Stamford Bridge xilli ciyaareedkan iyadoo lala xiriirinayo kooxo waa wayn sida Real Madrid iyo PSG.

Balse wareysi uu bixiyay ciyaarta kaddib ayuu hoos u dhigay qiyaas fikradeedka la xiriira mustaqbalkiisa.

Olivier Giroud grabbed his attacking partner to roar in celebration after Chelsea took first blood in the match

“Waqti xaadirkan waxaan ku faraxsanahay uun inaan arko taageerayaasheena oo u dabaal degaya koobka,” Hazard ayaa sidaa u sheegay BBC.

“Ma aynaan ciyaarin xilli ciyaareed wayn balse ugu yaraan si fiican ayaan ku dhammeysanay.

“Ma ahayn kulan sahlan, maxaa yeelay United ciyaartooy badan ayay heysatay sidaa darteed si fiican ayaan u difaactannay shabaqeena ayaa ilaashanay .

“Waxaan dhalinaya hal gool kaa oo maanta nagu filnaa balse waxaan u baahanahay inaan si fiican u ciyaarno.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close