Fernando Torres oo looga gacan haatinayo Premier League

(Madrid) 19 Maajo 2018 Weerar yahanka Atletico Madrid ee Fernando Torres ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxdiisa.

Atletico Madrid ayaa macsalaamaynaysa weerar yahankeeda Fernando Torres barri oo axad ah markaas oo kooxdu ay la ciyaarayso kulanka ugu danbeeya xiliciyaareed kaan kooxda Eibar.

Tababaraha kooxda Newcastle United ee Rafa Benitez ayaa albaabka u furay Fernando Torres si uu dib ugu soo laabto Premier League.

“Waxaan rumaysanahay inay aad u adag tahay inuu yimaado halkaan, laakiin taasi lama micno ahan in aanaan anagu doonayn” ayuu yiri Rafa Benitez.

“Ma garanayo waxa ka guuxaya madaxiisa, balse waxaa suurogal ah inuu ku fikirayo wax yaabo kale sida horyaal kale”.

“Soo jiidasho ayeey yeelan doontaa haddii aan ku guulaysano saxiixiisa, laakiin waxaan rumaysanahay in taasi aysan fududaan doonin”.

Waxaa xusid mudan in Fernando Torres uu horay ugu soo ciyaaray kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close