Ernesto Valverde oo magacaabay kooxda Barcelona ee kulanka Real Sociedad

( La liga ) 19 Maajo 2018. Macalinka Barcelona Ernesto Valverde ayaa go’aansaday inuu u yeero cayaariyahan walba uu heli karo kulanka u dambeya horyaalka oo ay la cayaari doonan kooxda Real Sociedad axada.

Taas ayaa la micno ah in labada xiddig ee Lionel Messi, iyo Samuel Umtiti, ay kamid noqon doonaan kooxda kadib markii ay seegeen kulankii laga jabiyay rikoorka guuldarada la’aanta ee Levante.

Seddax laacibka ayaa laga tagay safka kooxda: Sergi Roberto kasoo ganaaxan, Thomas Vermaelen oo dhaawaca iyo Paulinho oo kal horaba qaatay fasax.

Waa kuwaan kooxda uu Valverde u magacaabay kulanka Real Sociedad:Ter Stegen, Cillessen; Semedo, Pique, Umtiti, Yerry Mina, Digne, Jordi Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta, Coutinho, Denis Suarez, Aleix Vidal, Andre Gomes; Messi, Luis Suarez, Alcacer and Dembele.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close