Diego Simeone oo bar-tilmaameed ka dhiganaya xidig ku sugan Barcelona si uu qeyb kaga noqdo heshiiska Griezmann

(Atletico Madrid) 19 Maajo 2018. Macalinka kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa xiiseenaya inuu lasoo saxiixdo xidig ku sugan kooxda Barcelona si uu ugu noqdo badalka Antoine Griezmann, kaasoo kusii dhawaanaya inuu xirto maaliyada Barca.

Diego Simeone ayaa doonaya inuu soo qaato xidiga reer France ee Ousmane Dembélé, si uu qeyb kaga noqdo heshiiska ay kooxda reer Catalonia ku dooneyso Antoine Griezmann suuqa xagaag.

Xidiga reer France ayaa xili ciyaareedkan ku jahwareersan kooxda Barcelona sababa la xiriira qaab ciyaareedkiisa, laakiin Barcelona ayaan wali wax go’aan ah ka gaarin sida ay ka yeeli doonto mustaqabalka xidigeedan ay kaga soo iibsitay Borussia Dortmund aduun dhan 140 milyan euro.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay bixin doonto 100 milyan oo euros ay kudooneyso in ay ku kansasho heshiiska Diego Simeone uu ku joogo kooxda Atletico Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close