Atletico Madrid oo diyaarsatay qorsho cusub ay kaga hor istaageyso Griezmann inuu u dhaqaaqo Barcelona

(Atletico Madrid) 19 Maajo 2018Atletico Madrid ayaa miiska u saartay dalab cusub xidiga kooxdeeda ugu muhiimsan ee Antoine Griezmann, si uusan ugu dhaqaaqin kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Wargeyska “Marca” ayaa sheegay maamulka Atletico Madrid ay u diyaariyeen Antoine Griezmann in mushaar ahaan ay u siiyaan aduun dhan 25 milyan oo euros, isla markaana ay heshiis cusub kaga saxiixdaan.

Laakiin Barcelona ayaa u muuqata mid si aad ah u xiiseeneysa adeega xidiga waxayna dooneysaa in xili ciyaareedka soo aadan ay qeyb kaga dhigto qorshaha weerarkeeda, in kastoo maamulka Atletico ay si weyn kaga soo hor jeedaan in arintaas ay dhacdo.

Antoine Griezmann ayaa ku hogaamiyay Atletico Madrid ku guuleysiga koobka Europa League, kadib markii uu dhaliyay 2 gool ka mid ah 3-0 ay ku xasuuqeen kooxda Marseille.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close