LAYAAB: Agaasimaha guud ee kooxda Juventus Giuseppe Marotta oo ka hadlay Mustabalka Buffon

(Juventus) 19 Maajo 2018. Agaasimaha guud ee Juventus Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku dhow dahay dhameystirka saxiixa xidiga kooxda Liverpool Emre Can, kaasoo ku imaan doona beeca xurta ah.

Giuseppe Marotta ayaa wareysi uu siiyay Mediaset Premium: “Aad ayaan ugu rajo weynahay inaan gacanta ku dhigno saxiixa Emre Can, waxaan dooneynaa inaan si rasmi ah ugu dhawaaqno kadib finalka Champions League”.

Dhinaca kale Marotta ayaa si layaab leh kaga hadlay ka tagista Gianluigi Buffon ee kooxda Bianconeri wuxuuna yiri: “Wuxuu kala dooran doonaa hadii uu maamulka qeyb kaga noqon doono ama uu sii wadan doono ciyaarista kubada cagta, hadii uu doorto tartanka labaad, Paris Saint-Germain waxay noqon doontaa mid ka mid ah kooxaha ugu cad cad ee doonaya saxiixiisa”.

“Waan la kulmi doonaa tababaraha Massimiliano Allegri goor dhow, sababtoo ah waxaan heysanaa shuruud aan heshiiska ku dheereyn karno, waxayna u badan tahay inaan sii wada joogi doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close