Aabaha dhalay Neymar Jr oo sii xoojinaya xiriirka Real Madrid si uu u xaqiijiyo rabitaanka wiilkiisa

(Real Madrid) 19 Maajo 2018.Wakiilada xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr ayaa lagu soo waramayaa in ay si xoogan u dhageesanayaan dalabyada ka imaanaya xidigan xiliyadii lasoo dhaafay, si loo xaqiijiyo rabitaankiisa ku aadan inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Neymar Jr uu doonayo xirashada maaliyada kooxda Real Madrid, bilawga xili ciyaareedka soo aadan, inkastoo ay adag tahay PSG in sidaas lagu qanciyo, kadib hal xili ciyaareed uu ku soo qaatay.

Wargeyska ayaa sheegay in Neymar aabihiis uu sii kordhiyay wicitaanada Juni Calafat  oo Real Madrid u qaabilsan arimaha saxiixyada iyo sidoo kale Pini Zahavi oo la filayo in heshiiska Neymar ugu dhaqaaqi doono Los Blancos ay door weyn ka qaataan.

Pini Zahavi ayaa ku sugnaa caasimada Spain ee Madri 10 maamlmood kahor si uu u dejiyo istiraatiijiyada uu Neymar jr ugu dhaqaaqi karo kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close