Aabaha dhalay David Alaba oo xaqiijiyay in Real Madrid ay doonayso wiilkiisa

(Munich) 1 Maajo 2018 Aabaha dhalay laacibka Bayern Munich ee David Alaba ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay doonayso wiilkiisa.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan qarin karin xiisaha Real Madrid ay u qabto saxiixa wiilkiisa, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu wax badan faah faahiyo.

Image result for david alaba real madrid

“Waala wada ogyahay in Real Madrid ay doonayso David Alaba, laakiin ma jirto wax intaas ka badan oo aan sheegi karno waqtigaan” ayuu yiri Aabaha dhalay laacibka.

“Waan arki doonaa wixii dhaca suuqa xaggaagan, haatan ma ahan waqti ku haboon ka hadalka kooxaha doonaya, laakiin dhab ahaan waala wada ogyahay xiisaha ay u qabto Real Madrid, ma ahan wax qarsoon”.

“Haatan ma jirto wax aan dhihi karno, waa inaan sugnaa oo aan aragnaa sida ay wax noqdaan dhamaadka xiliciyaareed kaan”.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay u aragto David Alaba badalka ku haboon ee Marcelo kaas oo 30 jir ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close