“Waxaan ku dhawaaday inaan ka fariisto kubadda cagta, kadib marka ay hooyadey xanuunsatay”

(Juventus) 18 Maajo 2018. Weeraryahanka kooxda Juventus Gonzalo Higuaín ayaa qirtay inuu ku fikiray inuu ka fariisto ciyaaritsa kubada cagta kadib markii ay hooyaday xanuunsatay.

Xiddiga reer Argentina ayaa 23 gool u dhaliyay kooxda Juventus xilli ciyaareedkan, waana xili ciyaareedkiisii 5-aad ee xiriir ah uu dhalinayo marka ay ugu yartahay 20 gool, laakiin wuxuu ku dhawaaday in kubada cagta uu ka fariistay xili hore.

Gonzalo Higuaín ayaa wareysi uu siiyay TNT Sports “Waxaan ku fekeray inaan ka tago kubada cagta”

“Waxay arintan dhacday xili aan sidaas u sii fogeen, kadib markii aan ogaaday in ay hooyadey xanuunsan tahay, waxay ahayd waqti aad u xun, laakiin waxay iga dalbatay inaan sii wado kubada cagta, waxayna arintaas isiisay awood dheeri ah”.

“Kubadda cagta waxay ula dhaqantaa ciyaartoyda sida alaab la isticmaalo, marka aad go’aansato inaad joojiso adiga waxba ma tihid wixi xiligaas ka dambeeya”.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah runtii, inaad u naxariisato dadka ku jecel, nasiib wanaag waxaan heystaa dad qurux badan ee ila socon doona inta ka harsan nolosheyda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close