Taariikhda Koobka Adduunka oo Kooban…(QEYBTA SIDEDAAD)+SAWIRRO

( World Cup ) 18 Maajo 2018. Dhacadada ugu wayn kubbada cagta adduunka ee “World Cup” ama Koobka Addunnka ayaa waxaa ka harsan 27-maalmood oo qura, GoolFM.net ayaa go’aansatay inay idin soo gudbiso Taariikhda koobka adduunka oo Kooban tan iyo markii uu soo bilowday ilaa iminka. 1930-kii ilaa 2014.

20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka adduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo ciyaaraha Adduunka ah.

Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa taariikhda koobka adduunka 1966-kii oo kooban.

1966, Waa Markii Sideedaad ee la ciyaaray koobka Adduunka, Waxaana marti galiyay  dalka England iyadoo la ciyaaray intii u dhaxeesay 11 ilaa  30 July.

England ayaa garaacday  Galbeedkii  Germany ciyaartii Final-ka oo ku dhamaatay 4–2, waxeyna England ay ku guuleesteen koobkoodii aduun ee ugu horeeyay , Sidoo kale waxaa ay noqdeen Marti galiyaashii  Seddaxaad ee Caradooda  ku qaaday koobka kadib Uruguay   1930 iyo  Italy 1934.

Final-kii  1966, ayaa ka dhacay  Wembley Stadium, waana markii ugu dambeesay ee lagu baahiyay kalarka  Madowga iyo Cadaanka Sido kalan waa markii kowaad ee kalar lagu cayaaray.

Xagaagaa Koobka adduunka waxaa uu ahaa kii ay daawadeen taageerayaashii ugu badnaa oo 28 sano kadib, ilaa uu ugu dambeyn  rikoorkaas  jabiyay koobkii aduunka ee Mareykanka Lagu Marti galiyay 1994.

Inkastoo  Africa ay ka maqneed ka qeyb galka koobka adduunka, hadana waxaa jirtay tiro rikoora oo ahaa in aycayaarha adduunka isreeb reebkiisa ay ka qeyb galeen waana 70 dal.

FIFA ayaana ugu dambeyn sidaan u siisay boosaska ay ugu matalayaan qaaradaha ciyaaraha koobka adduunka, 10-boos qaarada Yurub 4-boos koonfur Ameerica, Hal boos oo ay kala lahaayeen Qaaradaha Asia iyo Waqooyiga iyo Bartamaha America.

Portugal iyo Waqooyiga Korea ayaa markoodii ugu horeeyay usoo baxay  koobka adduunka. Portugal Markale dib uma aysan ciyaarin koobka ilaa dhacdadii  1986, halka Waqooyiga Korea koobkoodi aduunyada ee xigay uu ahaa koobkii adduunka ee 2010-ki.

Sidoo kale Tani Waxaa ay Aheyd markii u dambeesay oo koob adduun ay ciyaaraan Xulka Switzerland ilaa laga yimaad koobkii adduunka 1994.

Dhanka kale xulalka Awoodi waayay inay ka mid noqdaan waxaa kamid ah Xulkii gaaray Semi-final-ka  Koobkii adduunka 1962 ee Yugoslavia iyo Xulkii Final-ka guuldareystay ee  Czechoslovakia.

Awood qeybsiga boosaska lagu matalo koobka aduunyada ayay cabasho badan ka muujisay qaarada Africa iyagoona dibad bax FIFA ka dhan ah sameeyay, Sababtoo ah guuleestayaashooda Seddaxda xul ayaa marayay kullamo Bug Bax ah oo ay wajahayeen xulalka qaarada Asia taasoo aheyd Nidaamka ay kaga qeyb gali kareen koobka adduunka, Balse FIFA waa ay diiday  inay  badasho qorsheeda kaalimaha Qaaradaha ay ku leeyihiin koobka adduunka ilaa ugu dambeyn 1970-kii la siiyay boos rasmi qaarada Africa.

DAAWO SAWIRRADA KOOBKA ADDUUNKA 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966 ball

Natiijada sawirka Fifa world cup 1966 ball

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close