Shax laga sameeyey xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ee laga reebay Koobka Adduunka 2018

(Paris) 18 Maajo 2018. Macallin Didier Deschamps ayaa ku dhawaaqay xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ee uu kala qeyb geli doono Koobka Adduunka ee bisha soo socota ka furmi doona dalka Ruushka.

Waxa uu magacaabay Macalin Deschamps 23-ka ciyaaryahan ee kama dambeysta ah oo uu u kaxaysan doono dalka Ruushka si ay xulka ugu metelaan Koobka Adduunka  sanadkan, laakiin waxa uu ka soo tagay xiddo magac leh.

Hadal-haynta ugu badan waxaa abuuray labada ciyaaryahan ee Premier League ka dheela Anthony Martial (Man United) iyo Alexandre Lacazette (Arsenal) kuwaasoo uusan shaxdiisa ku soo darsan isla markaana aan ka qeyb qaadan doono Koobka Adduunka 2018.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa shax laga sameeyey 11-ka Laacib ee aan calafka u yeelan inay xulka qaranka France u metelaan Koobka Adduunka sanadkan, waxaana ay kala yihiin:-

Goolhaye: Benoît Costil (Lille).

Daafacyada: Kurt Zouma (Stoke City), Aymeric Laporte (Man City), Lucas Digne (Barcelona), Mathieu Debuchy (Saint-Étienne).

Khadka Dhexe: Adrien Rabiot (PSG), Dimitri Payet (Marseille), Moussa Sissoko (Tottenham).

Weerarka: Wissam Ben Yedder (Sevilla), Anthony Martial (Man United), Alexandre Lacazette (Arsenal).

EEG SHAXDA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close