Ronaldo oo hadaladaan ku yiri dhaqaatiirtii daawaynaysay si uu ugu guulaysto Ballon d’Or markii 6-aad

(Madrid) 18 Maajo 2018 Cristiano Ronaldo ayeey ka go’antahay inuu ku guulaysto abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka markii 6-aad ee xirfadiisa.

Xiddiga reer Portugal ayaa abaal maritaan ku guulaysanayay 2-dii sano ee ugu danbaysay, wuxuuna soo barbareeyay Lionel Messi.

Markii uu dhaawacmay Ronaldo kulankii El-Clasico ayuu dareemay cabsi ah inuu seegi karo Final-ka Champions League sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Laacibka ayaa ka codsaday dhaqaatiirtii daawaynaysay inay sifiican u dadajiyaan daawayntiisa si uu taam ugu noqdo Final-ka Champions League maadaama uu doonayo inuu ku guulaysto Ballon d’Or markii 6-aad oo xiriir ah.

Ronaldo oo la hadlay dhaqaatiirtii daawaynaysay ayaa ku yiri:

“Waajib ayeey idinku tahay inaad i daawaysaan waayo waxaan doonayaa inaan ciyaaro, waa inaan ciyaaraa si aan ugu guulaysto Ballon d’Or markii 6-aad”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close