Lothar Matthäus Oo Sheegay In Zinedine Zidane Uusan dooneynin Lewandowski

(Bayern Munich) 18 Maajo 2018. Halyayga kooxda Bayern Munich Lothar Matthäus ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Bavarian-ka Robert Lewandowski uusan kooxda ka tagi doonin inta lagu jiro xilliga xagaaga.

Lothar Matthäus ayaa u sheegay Sky Sports: “Real Madrid kuma aysan soo biirin loolanka saxiixa Lewandowski, sababtoo ah Zinedine Zidane lama doonayo kooxdiisa”.

Matthäus ayaa heysta ilo xoogan ee arintan horey ugu xaqiijiyay sababa la xiriira in Niko Kovac uu la wareegay shaqada tababarka ee kooxda Bayern Munich mudo isbuucyo ah.

Robert Lewandowski ayaa dhawaan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid ka dib markii uu la saxiixday wakiilkiisa cusub ee Pini Zahavi oo xiriir adag la leh kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close