Labo koox oo ingiriis ah oo diyaar la ah qiimaha Liverpool ay ku doonayso iibka Mohamed Salah

(Liverpool) 18 Maajo 2018 Waxaa soo badanaya kooxaha ku dagaalamaya saxiixa weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Sida ay baahisay shabakada Diario Gol, kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa diyaar la ah lacagta Liverpool ay ku doonayso inay ku iibiso Mohamed Salah suuqa xaggaagan.

Liverpool ayaa la soo sheegayaa inay go’aamisay in Mohamed Salah ay ku iibiso lacag dhan 200 milyan oo euro, wuxuuna noqonayaa laacibka labaad ee ugu qaalisan adduunka kadib Neymar.

Real Madrid ayaa dhankeeda qayb ka ah tartanka saxiixa Salah laakiin waxay u arkaan qiimaha laacibku inuu yahay mid aad u badan.

Bayern Munich ayaa dhankeeda qayb ka ah tartanka loogu jiro saxiixa Salah, waxaana jira warar sheegaya in kooxda reer Jarmal ay diyaarinayso inay dalab wayn ka gudbiso laacibka isbuucyada soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close