Aubameyang, Mkhitaryan iyo Ozil oo ka soo muuqday labiska Arsenal oo si qarsoodi ah loo faafiyay

(London) 18 Maajo 2018 Labiska kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah loogu faafiyay baraha bulshada kaas oo kooxdu ay ku ciyaarayso xiliciyaareedka cusub.

Labiskaan ayaa ah mid kooxdu ay ku ciyaarayso kulamada garoonkeeda Emiartes, waxaana ka soo muuqday xiddigaha ugu shacbiyada badan Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang, Henrikh Mkhitaryan iyo Mesut Ozil ayaa ka soo muuqday sawirkaan sida qarsoodiga ah loogu faafiyay baraha bulshada.

Arsenal ayaa la filayaa inay taageerayaasheeda u soo bandhigto labiskaan bisha July markaas oo kooxdu ay soo bandhigayso 3-da labis ee ay ku ciyaari doonto xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close