Real Madrid oo ugu Hambalyeysay Atletico Guushooda Europe League…Xili kooxaha Dariskaa ay isaga Hor imaan karaan Uefa Super Cup

( Europe League ) 17 Maajo 2018. Atletico Madrid ayaa hanatay Markii seddaxaad tartanka Europe League kadib cayaar ay ka badisay kooxda Marseilla oo ka dhacay Lyon.

Kooxda Simeone ayaa 3-0 ku adkaatay cayaarta waxayna taasi ka dhigan tahay in kooxda ay ku guuleystay koob yurub ah markii u horeysay tan iyo sanadkii 2012-kii.

Real Madrid oo Liverpool la ciyaari doonta finaalka Champions League dabaqaayada bishan ayaa hadey badiso la kulmi doonta dariskooda Madrid Koobka Uefa Super Cup.

Yeelkeede, Real ayaa barta Bulsha ugu soo hambalyeysay kooxda Atletico kadib guushoodii Europe League waxaana lasoo dhigay Barta Twitter-ka kooxda Fariin u qorneed.”Hambalyo ayaan u direynaa Atletico guushooda Europe League ay caawa ku hanteen Lyon.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close