RASMI: Sadio Mane oo hoggaaminaya 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Senegal uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018

(Dakar) 17 Maajo 2018. Waxaa la shaaciyey 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Senegal uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018, waxaana hoggaaminaya Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane.

26-sano jirkaan ayaa waqti wacan ku qaatay heerkiisa kooxda, waxaana uu dhaliyey 19 gool isagoo sameeyey 9 caawin, kooxdiisa ayuu ka caawiyey inay ku dhammaysato kaalinta afaraad ee Premier League isla markaana iska xaadiriso Final-ka Champions League.

Mane ayaa Shaxda xulka qaranka Senegal kula biiray xiddigaha kale ee ka ciyaara Ingiriiska sida Idrissa Gueye, Cheikhou Kouyate, Alfred N’Diaye, Badou Ndiaye, Cheikh N’Doye iyo Mame Biram Diouf.

Difaaca kooxda Crystal Palace ee Pape Souare ayaan ku jirin shaxda xulka qaranka Senegal ee uu ku dhawaaqay macallin Aliou Cisse.

27-sano jirkaan ayaa Lugta iyo Daanka kaga jabay Shil gaari oo ka dhacay Magaalada London sanadkii 2016-kii, waxaana uu garoomada ka maqan yahay in ka badan Sanad.

Macallinka xulka qaranka Senegal Aliou Cisse.

Xulka qaranka Senegal ayaa Group-ka H ee Koobka Adduunka ee sanadkan ka furmi doona dalka Ruushka kula jira xulalka Colombia, Japan iyo Poland.

Halkaan hoose ka eeg 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Senegal uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018:-

Goolhayeyaasha: Abdoulaye Diallo (Stade Rennes), Alfred Gomis (SPAL), Khadim Ndiaye (Horoya).

Difaacyada: Lamine Gassama (Alanyaspor), Saliou Ciss (Valenciennes), Kalidou Koulibaly (Napoli), Kara Mbodii (Anderlecht), Youssouf Sabaly (Bordeaux), Salif Sane (Hannover 96), Moussa Wague (Eupen).

Khadka Dhexe: Idrissa Gueye (Everton), Cheikhou Kouyate (West Ham United), Alfred N’Diaye (Wolverhampton Wanderers), Badou Ndiaye (Stoke City), Cheikh N’Doye (Birmingham City), Ismaila Sarr (Stade Rennes)

Weerarka: Keita Balde (Monaco), Mame Biram Diouf (Stoke City), Moussa Konate (Amiens), Sadio Mane (Liverpool), Mbaye Niang (Torino), Diafra Sakho (Stade Rennes), Moussa Sow (Bursaspor).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close