RASMI: Pep Guardiola oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Manchester City

(Manchester) 17 Maajo 2018.  Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Pep Guardiola ku abaal marisay, kaasoo qaadanaya mudo dhan saddex sano kale uu kusii joogayo Etihad Stadium wuxuuna dhacayaa ilaa iyo 2021.

Sky Blues ayaa war rasmi ah ay arintan ku shaacisay website-keeda waxay ku sheegtay: “Manchester City waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa heshiiska cusub ee Pep Guardiola ee gaarsiisan ilaa iyo saddex sane kale”.

Guardiola ayaa yimid Sky Blues sanadii 2016, waxayna xili ciyaaredkan 2017/2016 ku guuleysteen koobabka Carabao Cup iyo horyaalka Premier League.

Heshiiska cusub ee Guardiola aayaa lagu soo waramayaa inuu dhacay habeenka uu macalinka reer Spain ku guuleystay abaal marinta macalinka ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee xili ciyaaredkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close