RASMI: Luis Rubiales oo loo doortay madaxweynaha cusub ee xiriirka kubada cagta dalka Spain

(Spain) 17 Maajo 2018.Luis Rubiales ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Spain ilaa sanada 2020, ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Las Rozas, wuxuuna ku garaacay Juan Luis Larrea oo kula tartamay abaal marintan.

Madaxweyhana cusub ee Luis Rubiales ayaa codeyntii la sameeyay wuxuu ka helay 80 cod, halka Las Rozas uu ka helay 56 cod.

Madaxweynaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Spain, ayaa wuxuu kulan balaaran la qaadan doonaa dhamaan ciyaartoyda kubada cagta ee dalka Spain, waxaana la filayaa in isbadal xoogan uu ku sameyn doono horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Si kastaba Rubiales ayaa qorsheyneya inuu bedalo nidaamka garsoorka, sidoo kale wuxuu qorsheynayaa in baaritaan weyn ee lagu cabbirayo heerka dhabta ah ee dhaqaalaha federaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close