PSG oo ku wargalisay Real Madrid qiimaha ay ku heli karto Neymar iyo wadahadal u socda labada dhinac

(Madrid) 17 Maajo 2018 Kooxda PSG ayaa ugu danbayntii aqbashay doonista Neymar ee ah inuu ka tago kooxda reer France suuqa xaggaagan.

Milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ka soo horjeeday inuu iska fasaxo Neymar laakiin waxaa ka awood badiyay rabitaanka xiddiga reer Brazil.

Shabakada ABC ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday in PSG ay ku qiimaysay Neymar 322 milyan oo euro oo ah lacagtii ay ka soo bixisay oo lagu daray 100 milyan oo euro.

PSG ayaan doonayn inay si fudud ku wayso xiddig ay ka so bixisay 222 milyan oo euro, waliba xili heshiiskiisa uu ka harsan yahay 4-sano.

Real Madrid ayaa wadahadal ku la jirta PSG waxayna doonaysaa in la dhimo lacagtaas oo laga dhigo 250 milyan oo euro si loo dhameeyo heshiiska.

Aabaha dhalay Neymar ayaa gadaal ka riixaya arinkaan, walina ma jirto wax la isku af gartay ilaa haatan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close