Pep Guardiola: “Brazil waxay nasiib ku leedahay inay heysato labadan xidig cajiibka ah”

(World Cup) 17 Maajo 2018. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in Brazil ay wajihi doonto isbedel dhab ah ee ku aadan, inay kusoo bilaawan doonto Gabriel Jesus ama Roberto Firmino, shaxda koowaad ee kulamada koobka aduunka 2018.

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Gabriel Jesus ayaa wuxuu dhaliyay 17 gool ee ah tartamada oo dhan ah xili ciyaareedka n ee kooxda Sky Blues, halka Roberto Firmino uu isna dhaliyay 27 gool.

Laakiin Macalinka reer Spain ayaa wuxuu u sheegay shabakada ESPN: “Brazil waxay nasiib ku leedahay in ay heysato labadan weeraryahan ee aadka u wanaagsan, Gabriel Jesus wuxuu leeyahay tayo iyo xamaasad, Firmino da’a ahaan waa mid ka weyn, wuxuuna kasoo ciyaaray dhowr meelood”.

“Waxaan qiyaasi karaa go’aanka Brazil ee dhinaca saxaafada, haddii midkood uu ciyaaro, waxaa jiri doona dalab ku aadan in kan labaad uu ciyaaro, waana dood aan dhamaan doonin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close