Neymar oo ku soo laabtay Tababarka buuxa ee kooxdiisa Paris Saint-Germain, isagoo ciyaari kara…

(Paris) 17 Maajo 2018. Neymar Jr ayaa maanta oo Khamiis ahayd xiddigaha kooxdiisa Paris Saint-Germain, tababar kula qaatay garoonka Parc des Princes, xiddiga reer Brazil ayaana u dhow inuu dib ugu soo laabto ciyaarista Kubadda cagta.

Weeraryahankan ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Febraayo kaddib markii qalliin looga sameeyey dhaawac ka soo gaaray Cagta, iyadoo markii hore shaki la galinayey ka qeyb qaadashadiisa Koobka Adduunka sanadkan.

Waxaa la filayaa in Neymar uu diyaar u noqon doono inuu xulkiisa Brazil u ciyaaro kulanka Saaxiibtiinnimo oo ay la ciyaari doonaan Croatia.

Xulalka Brazil iyo Croatia ayaa kulankooda Isdiyaarinta Koobka Adduunka waxa ay ku dheeli doonaan garoonka Anfield 3 bisha June, 26-sano jirkaan ayaana tallaabo u jira soo kabashadiisa.

Kooxda PSG ayaa baraheeda xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka soo dhigtay Neymar oo tababar la qaadanaya xiddigaha kale ee kooxdiisa.

Waxaa la filayaa in xiddiga ku guuleystay abaal-marinta Sanadka ee horyaalka Ligue 1 inuu ku soo bilaawdo kulanka ay Sabtida la ciyaarayaan Caen, markaasoo macallin Unai Emery uu kooxda Paris hoggaamin doono kulankiisa ugu dambeeya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close