Mikel Arteta oo kulan la qaatay madaxda Manchester City (Muxuu ku soo dhamaaday?)

(Manchester) 17 Maajo 2018 Ninka lala xiriirinayo shaqada tababarenimo ee kooxda Arsenal ayaa kulan la qaatay maamulka sare ee kooxda Manchester City.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Mikel Arteta uu maanta kulan gaar ah la qaatay agaasimaha ciyaaraha kooxda Manchester City iyo waliba tababare Pep Guardiola.

Mikel Arteta ayaa u sheegay labadaan shaqsi inuu aqbalay tababarida kooxda Arsenal oo u soo bandhigtay fursad qaali ah oo aan la diidi karin.

Kabtankii hore ee Arsenal ayaa loo ogolaaday inuu qaban karo shaqada kooxda Arsenal, waxaana haatan harsan oo kaliya in loo magacaabo tababaraha Arsenal.

Madaxa fulinta kooxda Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa dhankiisa la xiriiray madaxda Manchester City, wuxuu ku wargaliyay inay doonayaan in Mikel Arteta ay ku buuxiyaan booskii uu baneeyay Arsene Wenger.

Ivan Gazidis iyo Mikel Arteta ayaa la filayaa inay kulan yeeshaan waqti dhaw, waxaana la filayaa in si dhaqso ah loo dhameeyo arinka isla markaana Arteta loo magacaabo tababaraha Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close