Lionel Messi oo kaga guuleestay dalka Spain abaal marin kale ee cusub

(Barcelona) 17 Maajo 2018. Ciyaaryahanka reer Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarin cusub maanta oo Khamiis ah.

Maamulka horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa wuxuu bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku shaaciyay: “Lionel Messi wuxuu ku guuleystay abaalmarinta xidiga ugu fiicnaa horyaalka La Liga bishii  April ee lasoo dhaafay”.

Ku guuleysiga abaal marintan ee Lionel Messi ayaa waxay imaaneysaa kadib markii uu kooxdiisa Barcelona u dhaliyay 6 gool bishii lasoo dhaafay, isagoo laba jeer ee goolasha saddexleyda ah ku dhaliyay goolashan.

Sidoo kale Messi ayaa wuxuu kooxda Barcelona ka caawiyay in loo caleemo saaro ku guuleysiga koobka La Liga-ha kahor 4 kulan dhamaadka horyaalka ee xili ciyaareedkan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close