“Brazil iyo Spain ayaa ugu cadcad inay ku guuleystaan Koobka Aduunka 2018”…Kadib Daraasad La Sameeyay

(World Cup) 17 Maajo 2018. Daraasad ay sameesay hey’ada “Getulio Vargas” ee dalka Brazil ayaa waxaa shaaca looga qaaday fursada ay xulalka waaweyn qaarkood u heli karaan ku guuleysiga koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Daraasadan ayaa natiijada kasoo baxday waxay muujisay in loolanka ku guuleysiga Koobka Aduunka uu ka dhaxeyn doono xulalka Brazil, Spain, Germany iyo France,  iyadoo loo tixgalinayo in xulalkan ay ugu cadcad yihiin liiska xulalka ugu cad cad ee ku guuleysan kara koobka aduunka ee 2018.

Getulio Vargas ayaa daraasaddan ku sameeyay goolasha ay dhaliyeen xulalakan afartii sano ee lasoo dhaafay, halka Brazil ay heshay qiimeynta ugu sareysa ee ah 21%.

Xulka qaranka Spain ayaa galay booska kaalinta 2aad, iyadoo cel celis ahaa dhanka kala sareynta xulalka u sharaxan ku guuleysiga koobka aduunka 2018 uu ka helay  13.5%, Germany waxey ku jirtaa kaalinta 3-d iyadoo leh 11.4%, France 9.5 iyo Argentina oo heshay 8.5%.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close