Arsenal oo u yeertay Thierry Henry iyo sababta oo daaha laga rogay

(London) 17 Maajo 2018 Kooxda Arsenal ayaa u yeertay halyeeygeedii hore ee Thierry Henry xili kooxdu ay doonayso inay magacaawdo tababarihii badali lahaa Arsene Wenger.

Sida ay baahisay Sky Sports, maamulka kooxda Arsenal ayaa doonaya inay la hadlaan  Thierry Henry bilowga isbuuca dambe si looga waraysto ra’yigiisa ku aadan tababaraha cusub ee Arsenal.

Image result for Henry Arteta

Maamulka ayaa dooqday 90% kabtankii hore ee kooxda ee Mikel Arteta kaas oo haatan caawiye u ah tababare Pep Guardiola.

Maamulka kooxda ayaa si gaar ah ula tashanaya  Thierry Henry ka hor inta aan Arteta loo magacaabin tababaraha cusub ee Arsenal isbuuca dambe.

Warar si hoose loogu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in kooxdu ay ka doonayso Thierry Henry inuu caawiye u noqdo Mikel Arteta laakiin ma ahan war wali sifiican u soo shaac baxay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close