“Waxaan ku soo celinayaa xulka talyaaniga booskiisii hore” – Roberto Mancini

(Roma) 16 Maajo 2018 Tababaraha cusub ee xulka qaranka talyaaniga ee Roberto Mancini ayaa ka hadlay wax yaabaha uu hiigsanayo kadib markii loo magacaabay tababaraha xulka.

Roberto Mancini ayaa sheegay in hadafkiisa ugu wayn uu yahay sidii uu xulka talyaaniga ugu soo celin lahaa booskiisii hore ee lagu yaqaanay.

Wuxuu intaa ku daray inuu hiigsanayo sidii xulka uu uga gacan siin lahaa ku guulaysiga Euro 2020 maadaama xulka talyaaniga ay ugu danbaysay koobkaas 1968.

“Waxaan doonayaa inaan ku soo celiyo xulka talyaaniga booskii uu u qalmay, kuma aanaan guulaysan Euro tan iyo 1968, balse Euro 2020 waa koob aad muhiim noogu ah” ayuu yiri Roberto Mancini.

Tababaraha ayaa xaqiijiyay inuu xulka uga yeerayo weerar yahanka kooxda Nice ee Mario Balotelli, sidoo kale, wuxuu sheegay inuu la hadlayo Pirlo si uu dib ugu soo laabto xulka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close