Shaxda rasmiga ah kulanka caawa ee Final-ka Europa League Marseille iyo Atletico Madrid oo la shaaciyey – Miyuu Dimitri Payet seegay kulankan?

(Lyon) 16 Maajo 2018. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan caawa kooxaha Marseille iyo Atletico Madrid kulanka Final-ka Europa League.

Laacibka khadka dhexe ee Marseille Dimitri Payet ayaa taam buuxa u noqday inuu wajaho caawa kooxda Atletico Madrid ee Final-ka Europa League, waxaana uu ku soo bilowday safka hore ee kulankan.

Kubbad sameeyahan ayaa laga baqdin qabay inuu kulankan ku seego dhibaato dhaawac oo dhanka bowdada ah, laakiin waxa uu ku soo bilowday safka hore ee kooxda reer France.

Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaa safkeeda hore ee weerarka ku soo wada bilowday labadeeda weeraryahan ee Diego Costa iyo Antoine Griezmann.

SHAXDA LABADA KOOXOOD AY KU SOO GELI DOONAAN CAAWA HOOS KA EEG:-

Safka hore ee Marseille: Mandanda; Sarr, Rami, Luiz Gustavo, Amavi; Anguissa, Sanson; Thauvin, Payet, Ocampos; Germain

Keydka Marseille: Kamara, Lopez, Mitroglu, Njie, Pele, Rolando, Sakai.

Safka hore ee Atletico Madrid: Oblak; Lucas, Godin, Gimenez, Vrsaljko; Gabi, Saul, Koke, Correa; Costa, Griezmann.

Keydka Atletico: Torres, Luis, Juanfran, Gameiro, Savic, Werner, Thomas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close