Shax laga sameeyey 11-ka ciyaaryahan ee mudnaa inay xulka qaranka Brazil kala qeyb galaan Koobka Adduunka laakiin aan calafka u yeelan!

(Brazil) 16 Maajo 2018. Macallinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa magacaabay liiska ugu dambeeya ee 23-ka ciyaaryahan oo uu kala qeyb gali doono sanadkan Koobka Adduunka ee Ruushka.

Tite waxa uu niyad jabiyey xiddigo badan oo reer Brazil ah kuwaasoo filayey in looga yeeri doono sanadkan dhacdada Koobka Adduunka, balse aan helin wax wicitaan ah.

Haddaba waxaa Shax laga sameeyey 11-ka ciyaaryahan kuwaasoo mudnaa in looga yeero xulka qaranka Brazil oo ay kala qeyb galaan Koobka Adduunka 2018, balse aan calafka u yeelan.

HOOS KA EEG SHAXDA XIDDIGAHA BRAZIL EE AAN CALAFKA U YEELAN INAY XULKOODA KALA QEYB GALAAN KOOBKA ADDUUNKA 2018 & KOOXAHA AY KA TIRSAN YIHIIN:-

Goolhaye: Neto (Valencia)

Dafaacyada: Dani Alves (PSG), Alex Sandro (Juventus), David Luiz (Chelsea), Jemerson (Monaco).

Khadka Dhexe: Fabinho (Monaco), Oscar (Shanghai SIPG), Anderson Talisca (Besiktas).

Weerarka: Lucas Moura (Tottenham), Willian Jose (Real Sociedad), Malcom (Bordeaux)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close