RASMI: Inter Milan oo soo bandhigtay Maaliyaddeeda koowaad ee ay ku dheeli doonto xilli ciyaareedka cusub 2018-19.. + SAWIRRO

(Milano) 16 Maajo 2018. Kooxda Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay Maaliyaddeeda cusub ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka soo socda ee 2018-19.

Funaanadan oo ay midda koowaad oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka soo socda marka ay mininkeeda ku soo dhaweynayso kooxaha kale ayaa ka sameysan midabada ay kooxdaas caanka ku hatay ee Madow iyo Buluugga.

Maaliyaddan cusub ee Kooxda Inter Milan waxaa naqshadeysay Shirkadda qalabka isboortiga ee Nike, taasoo muddo ka badan 20 sanadood xiriir wada shaqeyneed la leh Kooxda kubadda cagta Inter Milan.

Kooxda ka dhisan garoonka San Siro ayaa Maaliyaddan cusub waxa ay ku soo bandhigtay website-keeda rasmiga ah halkaasoo haddaba laga iibsan karo maaliyaddan cusub.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close