RASMI: 23-ka xiddig ee xulka qaranka Sweden uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018 oo la shaaciyey – Man Utd oo mid ku leh

(Stockholm) 16 Maajo 2018. Macallinka Janne Andersson ayaa ku dhawaaqay 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Sweden uga qeyb galaya Koobka Adduunka ee sanadkan 2018 ee ka dhacaya Waddanka Ruushka.

Ciyaartoyda ka dheesha horyaalka xiisaha leh ee Premier League sida difaaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Victor Lindelof iyo difaaca kale ee ka tirsan kooxda Swansea City Martin Olsson ayaa ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Sweden uga qeyb galaya Koobka Adduunka.

14-ka bisha June ayuu Koobka Adduunka ka furmi doonaa dalka Ruushka iyadoo xulka qaranka Sweden uu Group F kula jiro xulalka Germany, Mexico iyo South Korea.

LIISKA XIDDIGAHA XULKA QARANKA SWEDEN UGA QEYB GALAYA KOOBKA ADDUUNKA HOOS KA EEG:-

Goolhayeyaasha: Robin Olsen, Karl-Johan Johnsson, Kristoffer Nordfeldt.

Difaacyada: Mikael Lustig (Celtic/Scotland), Victor Nilsson-Lindelof, Andreas Granqvist, Martin Olsson, Ludwig Augustinsson, Filip Helander (Bologna/Italy), Pontus Jansson, Emil Krafth.

Khadka Dhexe: Emil Forsberg, Albin Ekdal, Viktor Claesson, Gustav Svensson, Sebastian Larsson, Jimmy Durmaz, Oscar Hiljemark, Marcus Rohden.

Weerarka: Marcus Berg, Ola Toivonen, John Guidetti, Isaac Kiese-Thelin.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close