Pep Guardiola: “Man City Ma Heysato Wax Lacag Ah, Si Ay Ugu Bixiso Suuqa Kala Iibsiga Ee Soo Aadan”

(Man City) 16 Maajo 2018. Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa wuxuu sheegay in kooxdiisa Sky Blues aysan heysanin wax dhaqaalo ah ay ku bixiso suuqa kala iibsiga.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in kaliya kooxdiisa Manchester City ay u baahan tahay saxiixyada hal ama labo ciyaaryahan kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo adan.

Manchester City ayaa ku dhowaad 300 milyan ginni suuqa kala iibsiga ku bixisay tan iyo markii Pep Guardiola uu qabtay kooxda Skay Blues xagaaga 2016.

Guardiola ayaa wuxuu u sheegay shabakada ESPN “Yaya Toure wuu bixi doonaa, sidaasi darteed waa inaan raadino bedelkiis”.

“Waxaan sameyn doonaa saxiixa hal ama labo mana jiri doonaan wax ka badan, malaha dadku iima aamini doonaan, laakiin ma heysano lacag aan ku qarashgareyno 300 milyan oo ginni xilli ciyaareed kasta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close