Madaxweynaha Kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu Oo Fariin U Diray Real Madrid

(Barcelona) 16 Maajo 2018. Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa wuxuu u jawaab celiyay dadka ka shakisanaa xili kasta guulaha kooxdiisa.

Barcelona ayaa waxay xili ciyaareedkan ku guuleesatay labada koob ee horyaalka La Liga iyo Copa del Rey, xili ciyaareedka ugu horeeyay ee macalinka reer Spain Ernesto Valverde ee kooxda reer Catalonia.

Wargeyska “Marca” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday wareysi uu bixiyay Bartomeu wuxuuna ugu horeyn sheegay: “Marka aynu wax ku guuleysaneyno, waxay isku dayayaan inay yareeyaan guulaheena”.

“Mar walba waxay isku dayaan inay ka hadlaan waxyaabaha, sida qaladaadka garsoorka iyo safaf sharafeedka, iyo arimo muran leh”.

“Laakiin waxaan ku guuleysanay inaan ka fogaano waxyaabaha hoos inoo dhigi kara, waxaana diirada saarnay shaqadeena si aan ugu qabano sida ugu saxan”.

“Waxaan u sheegi karnaa Ernesto Valverde, inuusan niyad jab nagu ridin, wuxuu helay ixtiraamka caalamka oo dhan, sidoo kale wuxuu helay kalsoonideeda buuxda, wuxuu dhaafay waxa aan ka fileenay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close