Madaxweynaha Kooxda Atletico Madrid Oo Ka Warbixiyay Hal Arin Uu Antoine Griezmann Ugu Dhaqaaqi Karo Barcelona

(Atletico Madrid) 16 Maajo 2018. Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka finalka Europa League ay caawa kula ciyaari doonaan Marseille.

Enrique Cerezo ayaa u sheegau wargeyska “Marca” ee dalka Spain: “Aad ayaan ugu faraxsanahay, balse waxaa si weyn muhiim inoogu ah inaan guuleysano, kulan kasta ee final ah wuxuu ka duwan yahay kan kale, laba kulan Champions League ah ayaan guuldareesanay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, waxaana arki doonaa waxa dhaca markan”.

Cerezo ayaa waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay bixitaanka Griezmann wuxuuna yiri: “Waa xidig ka tirsan kooxda Atletico Madrid, sidaas darteed wuxuu ciyaari doonaa kulanka caawa”.

“Waa wax iska caadi ah kooxaha oo dhan, hadii Barcelona ay xiiseyneyso ciyaaryahanka, waa dabiici ah inay nala hadlaan, anigana si kali ah ilama aysan hadlin”.

“Waxaan heysanaa qorsho fudud, hadii ay jirto in kooxi ay dooneyso xidig ka tirsan kooxdeena waa in ay bixisaa qiimaha lagu kansali karo heshiiska, waa sida aan dooneyno inaan u wada hadalno”.

“Ma dooneyno inaan ka hadalno arinta Antoine Griezmann, sababtoo ah sidaan horay u sheegay, waa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Atletico Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close