Luis Suarez oo hoggaaminaya liiska 26-ka ciyaaryahan oo horudhaca ah ee xulka Uruguay uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018

(Montevideo) 16 Maajo 2018. Macallinka Oscar Tabarez ayaa ku dhawaaqay 26-ka ciyaaryahan ee horudhaca ah oo xulka qaranka Uruguay uga qeyb galaya Koobka Adduunka ee sanadkan 2018 ee ka dhacaya Waddanka Ruushka.

Waxaa 26-kaan ciyaaryahan oo laga soo xulan doono 23-ka xiddig ee kama dambeysta ah ka mid ah xiddigo magac ku leh kubadda cagta sida Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez, laacibka Atletico Madrid ee Diego Godin iyo Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani.

Weeraryahankii hore ee Middlesbrough ee Cristhian Stuani oo haatan ka tirsan  Girona iyo difaacii hor ee Sunderland Sebastian Coates ayaa sidoo kale ku soo baxay liiskan xulka qaranka Uruguay.

Tababare Tabarez ayaa haysta illaa 4 bisha June si uu u magacaabo 23-ka ciyaaryahan ee kama dambeysta ah oo uu tartanka Koobka Adduunka kala qeyb galayo sanadkan, markaasoo ay 10 maalin naga xigto inuu furmo tartankan.

Xulka qaranka Uruguay ayaa Group-ka A ee Koobka Adduunka kula jira xulalka Saudi Arabia, Egypt iyo Russia (Martigeliyaha).

LIISKA XIDDIGAHA HORUDHACA AH EE XULKA QARANKA URUGUAY UGA QEYB GALAYA KOOBKA ADDUUNKA HOOS KA EEG:-

Goolhayeyaasha: Fernando Muslera, Martin Silva, Martin Campana.

Difaacyada: Diego Godin, Sebastian Coates, Jose Maria Gimenez, Maximiliano Pereira, Gaston Silva, Martin Caceres, Guillermo Varela.

Khadka Dhexe: Nahitan Nandez, Lucas Torreira, Matias Vecino, Federico Valverde, Rodrigo Bentancur, Carlos Sanchez, Giorgian De Arrascaeta, Diego Laxalt, Cristian Rodriguez, Jonathan Urretaviscaya, Nicolas Lodeiro, Gaston Ramirez.

Weerarka: Cristhian Stuani, Maximiliano Gomez, Edinson Cavani, Luis Suarez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close