Kooxda Manchester United u safartay Magaalada London ka hor kulankeeda Final-ka FA Cup & Romelu Lukaku oo…

(Manchester) 16 Maajo 2018. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u saftay Magaalada London ee caasimadda Waddanka Ingiriiska iyadoo Lukaku uu qeyb ka ahaa xiddiga Man Utd ee u safray London.

Kooxda Man United ayaa Tariin u qaadatay Magaalada London iyadoo uu qeyb ka ahaa Safarka kooxda Lakaku oo shaki laga qabay inuu ciyaari karo kulanka Final-ka FA Cup-ka kaddib dhaawac Canqowga ah oo soo gaaray.

Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa qeyb ka ahaa safarkii kooxdu ay ku aaday magaalada London ka hor kulankeeda Final-ka FA Cup-ka, kaasoo taam ahaanshihiisa shaki laga muujinayey.

Macallimiinta iyo xiddigaha kooxda Man United ayaa galabta oo Arbaco ah u saftay Magaalada London, halkaasoo ay Sabtida kula ciyaari doonaan Chelsea.

Man Utd ayaa Final-ka tartanka FA Cup-ka waxa ay garoonka Wembley kula ciyaari doontaa kooxda Chelsea Galabta Sabtida ah.

Lukaku ayaa xiddigaha sida Paul Pogba, David De Gea iyo Ander Herrera kula biiray safarka ay ku aadeen London, macallinka kooxda ayaana qiray inuusan hubin in weeraryahankan uu taam u noqon doono inuu ciyaaro kulankaas.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close