Kooxaha Premier League & Xiddigaha ay ku leeyihiin xulka qaranka England ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka – Imise xiddig ayey ku leedahay kooxdaada?

(England) 16 Maajo 2018. Macallin Gareth Southgate ayaa maanta ku dhawaaqay 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka England uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018.

Kooxaha horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa intooda badan xiddigo ku leh xulka saddexda Libaax ee sanadkan ka qeyb qaadanaya Koobka Adduunka.

11-ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska ka dheela ayaa ciyaartoy ku leh xiddigaha xulka qaranka England ee ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qaban doono dalka Ruushka.

Tottenham ayaa noqotay kooxda ka dhisan Premier League ee xiddigaha ugu badan ku yeelatay sanadkan xulka qaranka England ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka, waxaana ay ku leedahay 5 laacib.

Kooxaha reer Manchester ee Man United iyo Man City ayaa dhankooda ku yeeshay shaxdan min afar ciyaaryahan.

Liverpool ayaa labo ku leh halka Chelsea iyo Arsenal ay min hal ciyaaryahan ku yeesheen shaxda xulka qaranka England uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxaha Premier League ka dhisan iyo koox waliba inta xiddig ay ku leedahay xiddigaha xulka qaranka England ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka:-  

Tottenham (5)

Man City (4)

Man United (4)

Leicester (2)

Liverpool (2)

Arsenal (1)

Burnley (1)

Chelsea (1)

Crystal Palace (1)

Everton (1)

Stoke (1)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close