Inter Milan Oo Dalab Qaali Ah Miiska U Saartay Mauro Icardi Si Ay Kaga Saxiixato Heshiis Cusub

(Inter Milan) 16 Maajo 2018. Inter Milan ayaa xiiseeneysa in Mauro Icardi ay ugu yaboohdo heshiis cusub si uu ugu kor dhiyo heshiiska, isla markaana ay kaga ilaashato kooxaha yurub ee doonayo adeegiisa

Mauro Icardi ayaa heysto qiimo lagu kansali karo heshiiskiisa kooxda Inter Milan ee gaarsiisan 120 million euros, waana qiimo aad u hooseeya marka loo fiiriyo tayada laacibka reer Argantina.

Shabakada Inter Milan News ayaa lagu xaqiijiyay in Icardi uu heli doono heshiis cusub uu kaga qaadan doono mushaar qaali ah kooxda Inter, waxaana lagu wadaa in mushaarkiisa la gaarsiiyo 8 milyan oo euros uu sanadii qaadan doono.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in heshiiska cusub ee Mauro Icardi sare looga qaadi doono qiimaha haatan lagu kansali karo heshiiskiisa San Siro ee gaarsiisan 120 million euros, waxaana la gaarsiin doonaa ilaa iyo 180 million euros.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa doonaya inay helaan saxiixa Icardi oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close