Halyeyga reer Argentina ee Diego Maradona oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Koox ka dhisan Yurub… + SAWIRRO

(Minsk) 16 Maajo 2018. Mucjisadii hore ee Argentina Diego Maradona ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Guddoomiyaha koox ka dhisan qaaradda Yurub.

Diego Maradona ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee kooxda reer Belarus ee Dinamo Brest.

Waxa uu horay bishii la soo dhaafay Maradona isaga diiday inuu qabto xilka macallinimo ee kooxda ka dhisan Isu tagga Imaaraadka Carabta ee Al Fujairah.

Maradona waxa uu qalinka ku duugay qandaraas cuub oo saddex sanadood ah oo uu saxiixay kooxda Brest, waxaana loo xil saaray wax ka qabashada horumarinta istaraatiijiga ee kooxda.

57-sano jirkaan ayaa shaqadiisa cusub bilaabi doona sida la isku af-gartay kaddib Koobka Adduunka ee ka dhici doona dalka Ruushka.

Kooxda Dinamo ayaa haatan fadhisa kaalinta siddeedaad ee horyaalka Belarussia, waxaana ay haysataa hal koob oo horyaalka Belarussian Premier League ah.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close