FA-ga England Oo Ganaax Dul Dhigay Chelsea Sabab La Xiriira Ciyaartoyda Kooxdeeda

(Chelsea) 16 Maajo 2018. Xiriirka kubada cagta dalka England ee FA-ga ayaa dul dhigay kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ganaax lacageed gaarsiisan 20,000 pound ee u dhiganta ($ 27,000).

Chelsea  ayaa ganaaxan la dul dhigay sababa la xiriira dhaqan xumida ay muujiyeen ciyaartoyda kooxdeeda, kulankii ay barbaraha 1-1 ahaa ay la galeen kulankii horyaalka Premier League ay la ciyaareen Hiddersfield Town ee 9-kii bishan May.

Ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa ku buuqay inta uu kulanka socday garsooraha kulanka dhex dhexaadinayay ee Lee Mason, kadib marka uu qaatay go’aan aysan ku qancin inta kulanka uu socday.

FA-ga England ayaa war rasmi ah uu horey kaga soo saaray ee kooxda Chesea wuxuu ku sheegay: “Chelsea waxaa lagu eedeeyay in ay ku fashilantay, xakameynta ciyaartoydeeda, ama in ay mas’uuliyad iska saaraan wanaajinta dabeecadahooda, si ay u ilaa liyaan nidaamka guud”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close