Barcelona oo ku Guuleystay Koobka Mandela Cup…kadib cayaar Saaxiibtimo oo ka dhacday South Africa

( South Africa ) 16 Maajo 2018. Luis Suarez ayaa kamid ahaa gooldhaliyaasha kulankii ay Barcelona garaacday kooxda heysata horyaalka South African Mamelodi Sundowns oo ay kaga badiyeen 3-1 koobka Mandela Cup.

Ousmane Dembele  iyo  Andre Gomes ayaa sido kale gool u dhaliyay kooxda horyaalka  Spain ka hor inta uusan goolka calanka u dhalin Sibusiso Vilakazi naadiga Mamelodi Sundowns  kulankii akdhacay garoonka Soccer City, ee u dhaw Johannesburg.

Barca weeraryahankeeda Lionel Messi ayaa keydka ka yimid dhamaadka cayaarta markii uu kooxdiisa ka maqnaa kulankii asbuucan ay guuldarada kala kulmeen Levante taaso looga jabiyay guuldarada la’aantii horyaalka La liga.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dabaaldaga South Africa ee kasoo wareegatay 100 sano guurada dhalasha Nelson Mandela.

Mandela, ayaa ahaa madaxweynihii u horeyay ee madoow ah kasoo loo doorto madaxtinimada South Africa wuxuuna dhitay bishii December  sanadkii 2013 isagoo jira 95 sano.

Barcelona ayaa kusoo gabagabeyn doonta kulamadeeda kal cayaaredkan horyaalka Spain kooxda Real Sociedad cayaar ka dhaceysa garoonka Nou Camp axada soo aadan.

Ousmane Dembele broke the deadlock after two minutes with a superb strike in Johannesburg

Luis Suarez congratulates his team-mate for scoring the opening goal on Wednesday evening

Andres Iniesta played in his penultimate game for the club in the friendly match

Suarez holds his back after the Uruguayan striker went through one-on-one in the first half

Lionel Messi made a late appearance to help his side see out their 3-1 on Wednesday evening

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close