Atletico Madrid oo si Sahlan kaga Qaaday Koobka Europe League Dhigooda Marseilla

( Europe League ) 16 Maajo 2018. Kooxda Atletico Madrid oo ku guuleystay koobka Europe League kadib cayaar ay kaga badiyeen 3-0 naadiga Marseilla.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Antoine Griezmann ayaa goolka u daah furay kooxda Atletico kadib markii uu ka faa’ideysay qalad ay sameyeen cayaartoyda Marseilla isagoona si dagan kubadda ugu dhameystiray goolka.

Nasiib xumo kooxda Marseilla waxaa ciyaarta dhaawac kaga baxay laacibkooda muhiimkaa ee Dimitri Payet kasoo awoodi waayay in kulan uu ciyaaro wuxuuna ka baxay garoonka siga oo oynaya.

Kaambiyaha dambe markii la isugu soo laabtay kooxda Spain ayaa sii dheereysatay hogaanka waxaana markale goolka u gaaray Griezmann kadib baas uu ka helay Koke wuxuuna si qurux badan kubadda kaga dulqaaday goolhayaha.

Naadiga Marseilla ayaa ku dhawaatay inay gool dhaliyaan markii uu kubadd madax ah ku garaacay birta weeraryahankooda Kostas Mitroglou.

Balse waxaa dabayaaqadii kulanka goolka seddaxaad u dhaliyay Atletico kabtankooda Gabi.

Waa markii seddaxaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysaneyso koobka Europe League muddo sagaal sanaa waxay qaaday sanadihii 2010, 2012, iyo sanadkan 2018.

Atletico Madrid players celebrate with the trophy amid jubilant scenes after a deserved win over Marseille in the final

Antoine Griezmann celebrates with the trophy on what could be his last appearance for the club ahead of a move to Barcelona

Atletico Madrid players give their defeated opponents a guard of honour as they go up to claim their runners-up medals

Marseille manager Rudi Garcia (centre) watches on with his players as Atletico Madrid go up to receive their trophy

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close