Deg Deg: Xiriirka Kubada Cagta Germany Oo Heshiis Kordhin U Sameyn Doono Joachim Low

(Germany) 15 Maajo 2018. Xiriirka Kubadda Cagta Jarmalka (DFB) ayaa ku shaaciyay shabakadiisa rasmiga ah in ay heshiiska u kor dhin doonaan macalinka xulka qaranka ee Joachim Löw, kaasoo gaaraya ilaa iyo 2022.

Xiriirka kubada cagta Jarmalka ayaa war rasmi ah uu soo saaray ku xaqiijiyay in sidoo kale Oliver Bierhoff uu isna sii wadi doono booskiisa ilaa iyo 2024, waxayna kaga mahad celiyeen shaqadii uu soo qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Xulka Jarmalka ay hogaamiyeen labada ciyaaryahan ee Joachim Löw iyo Oliver Bierhoff ayaa kusoo guuleystay Koobka Adduunka 2014 ee Brazil, kaasoo ahaa koobkii afaraad ee caalami ah ay ku guuleystaan.

Xulka Germany ayaa sidoo kale ku guuleysatay Koobka Confederations Cup ee Russia 2017 waxaana ay dooneysaa inay ku guuleysataan Koobka Aduunka ee 2018-ka markii labaad oo isku xigta xagaagan.

Joachim Löw ayaa la wareegay shaqada tababarka ee xulka Germany July 2006, ka dib markii uu go’aansaday Jürgen Klinsmann inuusan heshiiska u kor dhin Xiriirka Kubadda Cagta Jarmalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close