Muxuu Ka Yiri Difaaca Liverpool Alexander-Arnold Halista Cristiano Ronaldo Kulanka Finalka Champions League?

(Liverpool) 15 Maajo 2018. Difaaca kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England Alexander-Arnold ayaa la fahansan yahay in ay sugi doonto shaqo aad u adag kulanka finalka Champions League sababa la xiriira Cristiano Ronaldo.

Liverpool ayaa kula ciyaari doonta dhigeeda Real Madrid kulanka finalka Champions League ee 26-ka bishan May ka dhici dna magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine

Difaaca da’ayarka ah ee xulka qaranka England ayaa wuxuu u sheegay wargeyska Metro Sports: “Waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysaneyno joojinta Cristiano Ronaldo iyo Real Madrid 26 May”.

“Sharaf ayay ii tahay inaan wajaho Cristiano, waxaana isku dayayaa inaan taas sameeyo, w axaan doonayaa inaan isku tijaabiyo ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waxay noqon doontaa tijaabo weyn qof walba”.

“Real Madrid waa koox aad u xoogan, shax kasta aan kala hor tagno iayaga, waxaan la ciyaari doontaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican aduunka, sababtoo ah waxay heystaan Ronaldo”.

“Waa inaad qirataa in Cristiano uu yahay ciyaaryahan aan la rumeysan karin, wuxuu sameeyay waxyaabo aan caadi ahayn ee kubada cagta ah, rikoodhada uu sameeyay waa waxaan la rumeysan karin, wax badan ayaan ka ogaanay isaga iyo Messi sababtoo ah waxaan ku arkay YouTube”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close