“Ma Dhalan Doono Buffon Labaad” Wakiilka Gianluigi Buffon Oo Fariin U Diray Goolhaayaha Milan Ee Donnarumma

(Juventsu) 15 Maajo 2018. Silvano Martina oo ah wakiilka goolhaayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon a ayaa wuxuu ka hadlay shirka jaraa’id uu qaban doono Buffon khamiista soo aadan.

Martina ayaa wuxuu la hadlay wargeyska “Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga wuxuuna u sheegay: “Ma noqon doonto sida macsalaameynta Totti oo kale, waxaan rajeenayaa inay noqon doonto tan Del Piero oo kale, waxaan rajeenayaa inay noqon doonto maalin wanaagsan”.

“Waxay aheyd raaxo inaan raaco goolhayaha ugu weyn taariikhda kubada cagta, waan ka xumahay Donnarumma (goolhayaha Milan), laakiin Buffon mar kale ma dhalan doono”.

Buffon ayaa ciyaaray in ka badan 500 kulan oo uu la qaatay Bianconeri tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Parma 2001.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close