Lama filaan laga soo sheegayo liiska xulka ingiriiska ee ka qayb galaya koobka adduunka

(London) 15 Maajo 2018 Barri ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doona liis ka kooban 23-laacib oo xulka ingiriiska ku matali doona koobka adduunka sanadkaan.

Tababare Gareth Southgate ayaa liiskiisa ka reebay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Jack Wilshere, saaka ayaana lagu war galiyay inuusan qayb ka ahayn ciyaartoyda aadaya Ruushka.

Jack Wilshere will be left out of the 23-man England squad for the 2018 World Cup in Russia

Sidoo kale, goolhayaha kooxda West Ham United ee Joe Hart ayaa qayb ka ah ciyaartoyda uu ka soo tagayo tababare Gareth Southgate.

Fabian Delph ayaa si lama filaan ah uga mid noqon doona liiska uu soo xushay tababare Gareth Southgate kadib xiliciyaareedkii wacnaa ee uu ku qaatay Manchester City.

Southgate will confirm all 23 on the plane to Russia when he reveals his squad on Wednesday

Xiddigaan ayaa buuxin doona booska Jack Wilshere oo laga so tagayo, barri ayaana lagu dhawaaqayaa liiska xulka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close