Kwadwo Asamoah Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro Inter Milan

(Juventus) 15 Maajo 2018. Xidiga kooxda Juventus Kwadwo Asamoah ayaa lagu soo waramayaa inuu si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka ee kooxda Inter Milan, si uu ugu biiro beeca xurta ah.

Xiddiga reer Ghana ayaa lixdii xilli ciyaareed ee u danbeysay la qaatay Bianconeri, laakiin qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa 30-ka June, islamarkaana uma muuqata inuu saxiixi doono heshiis cusub. Laakiin waxaa si dhow loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo San Siro, sida laga soo xigtay Sky Sport Italy.

29 jirkaan Kwadwo Asamoah ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Galatasaray xagaagii lasoo dhaafay, laakiin ciyaaryahanka ayaa doorbiday inuu sii joogo horyaalka dalka talyaaniga.

Kwadwo Asamoah ayaa la filayaa inuu saxiixo qandaraas seddex sanno ah, iyadoo mushahar ahaan uu u qaadan doono 3 milyan oo euros sanadkiiba, marka lagu daro gunooyinka.

Asamoah ayaa 15 kulan u saftay Juventus xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan labo kulan oo horyaalka ah, wuxuuna u dhaliyay hal gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close